Udvidet returret til d. 31. januar 2025

Bøger udgivet af Diini Publications

Filter
Filter
Sorter efterSorter Populære
  • af Cabdulqaadir Cabdulle Diini
    113,95 kr.

    TARANKII QURBAHA TAGEY waa qoraal gaaban oo si kooban uga hadlaya, guud ahaan xaalka ay ku nool yihiin bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddammada galbeedka ee Yurub, Waqooyiga Ameerika, Ustaraaliya, iwm. Wuxuu si gaar ah qoraalku wax uga bidhaaminayaa xaaladda ubadkeenna ku nool qurbaha. Buuggan oo ah mid gaaban baa loogu talo galay inuu noqdo mid baraarujiya, waxna u ifiya bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Galbeedka. Iyadoo aanay cidina ka reebbanayn akhriskiisa ayaa hadan waxaa si gaar ah loogu talo-galay inay ka faa'iidaystaan dadka galbeedka ku nool oo aan xog sidaa ah aan ka hayn deegaanka ay ku nool yihiin. Sidoo kale, in dadweeynaha Soomaaliyeed ee w¿addankii ku nool ay ogaadaan nolosha iyo xaalka dhabta ah ee eheladoodii iyo dadkoodii galbeedka u qaxay ay ku sudan yihiin. Sidoo kale inuu dhiiri galiyo dadka arrinkan ku takhasusay kuna aqoonta badan in ay arrintan wax ka qoraan.CABDULQAADIR CABDULLE DIINI waa qoraa deggen waddanka Ingiriiska, waana aabbe Toddobo carruur ah. Wuxuu qoray toddoba buug oo kala ah: Ka joogsada qof yiri Laa Ilaaha Illallaahu xaqeeda mooyee iyo Baarka Sare ee Islaamka oo hal buug isla ah (2011): Tarankii Qurbaha tagey (2011); Hoggaanka iyo Haweenka (2013); Shiicada: Caqiidadeeda iyo Sooyaalkeedii Geeska Afrika (2017); Xeerka Soomaalida iyo Calmaaniyadda Maxaa u Dhexeeya? (2019); Gunaanad (2021). Dhanka waxbarashadiisa, wuxuu Dugsiga Sare uga baxay magaalada Dhuusamarreeb sannadkii 1985. Intii uu joogey Ingiriiska wuxuu qaatay shahaadada Bachelor of Science (Bsc) Civil Engineering iyo sidoo kale Postgraduate Certificate (PGC) oo ah Islamic Banking and Finance..

  • af Cabdulqaadir Cabdulle Diini
    183,95 kr.

    KA JOOGASADA QOF YIRI "Laa ilaaha illalaahu" XAQEEDA MOOYEE waa buug ka hadlaya mawduuc muhiim ah, gaar ahaan xilliyadan dambe ee ay fitnadu badatay. Waqtigan sida fudud loogu xadgudbo Shareecada Islaamka, lagana leexday jidkii ay qaadeen kuwii hanuunsanaa. Xilligan laga fogaadey, lana fududeystay Sunnadii Näbiga NNKA. Xilligan oo kale halkii loo carari jirey iyo culimadii dadkii laga horjoogsadey. Wuxuu Rasuulku, NNKA yiri "Culimadu waa kuwa dhaxla Nabiyada". Waa muxaadaro dhowr habeen socotey, uuna soo jeediyey Shiikh Shariif Cabdinuur Shariif Xasan, Alle ha u naxariistee. Mawduucu wuxuu si gaar ah ugu hadlayaa khatarta gaalaysiinta qofka muslimka ah. Waxaa weheliya qormo gaaban oo ah muxaadaro uu isla shiikhu soo jeediyey oo cinwaankeedu yahay "Baarka Sare ee Islaamka".SHIIKH SHARIIF CABDINUUR SHARIIF XASAN sannadkii 1941 ayuu ku dhashay deegaanka Fiiq, Dhulka Soomaali Galbeed. Naxwaha wuxuu ka akhristay Shiikh Axmed Baaruud, Sarfiga iyo Fiqigana Shiikh Maxammed Xaaji. Wäxbarashadiisii dugsiga sare ilaa heer jaamacadeed wuxuu ku soo qaatay Jaamacadda Al-azhar. Soomaaliya wuxuu ku soo noqday 1972-dii, wuxuuna macallin ka noqday kulliyadihii Lafoole iyo Gaheyr.CABDULQAADIR CABDULLE DIINI waa qoraa deggen waddanka Ingiriiska, waana aabbe Toddobo carruur ah. Wuxuu qoray toddoba buug oo kala ah: Ka joogsada qof yiri Laa Ilaaha Illallaahu xaqeeda mooyee iyo Baarka Sare ee Islaamka oo hal buug isla ah (2011): Tarankii Qurbaha tagey (2011); Hoggaanka iyo Haweenka (2013); Shiicada: Caqiidadeeda iyo Sooyaalkeedii Geeska Afrika (2017); Xeerka Soomaalida iyo Calmaaniyadda Maxaa u Dhexeeya? (2019); Gunaanad (2021). Dhanka waxbarashadiisa, wuxuu Dugsiga Sare uga baxay magaalada Dhuusamarreeb sannadkii 1985. Intii uu joogey Ingiriiska wuxuu qaatay shahaadada Bachelor of Science (Bsc) Civil Engineering iyo sidoo kale Postgraduate Certificate (PGC) oo ah Islamic Banking and Finance.

  • af Cabdulqaadir Cabdulle Diini
    143,95 kr.

    Labada jaad ama jinsi ee ragga iyo dumarka waxaa Alle u doortay inay dunida maamulaan, mid kastana wuxuu u yeelay hawl iyo xil saaran iyo xuquuq iyo xaqdhowr uu xilkaa la saaray ku yeelanayo. Hooyada waxaa laga dhigay tiir-dhexaadka ay bulshadu ku taagan tahay, la'aanteedna aanay bulshadu taabbaqaadi karin, qoyskuna aanu dhisnaan karin. Marka dib loo jalleeco sooyaalka iyo dhigaallada laga sameeyey noloshii dumarka soo mareen, waxay muujinayaan inay soo mareen heerar kala duwan haddii ay noqon laheyd dhanka nolosha, halka ay ka joogto bulshada, dhanka xuquuqda iyo wixii la mid ah. Ilbaxnimooyinkii iyo bulshooyinkii dunida soo maray waxay ku xadgudbeen qaayihii iyo karaamadii dumarka. Qaarkood sidii badeecadii ayey iibiyeen, qaarkoodna iyagoo nool ayey dab ku rideen ama aaseen. Islaamku wuxuu dabargooyey dhaqammadii xumaa ee dumarka lagula kici jirey. Sida raggaba, wuxuu siiyey xuquuq, wuxuuna saaray xil. Hagardaamooyinkaa dumarka lagu hayey waxaa ka dhashay gadood iyo kacdoon looga dhiiddhinayo dhibaatooyinkaa dumarka haystey. Kacdoonkaasu wuxuu keenay in aqoonyahanka iyo culimada Saynisku ay cilmibaaris sameeyaan si ay jawaab ugu raadinayaan is weyddiimo badan oo dhashay. Sidee ayey aheyd nolosha haweeneyda Islaamka ka hor, Islaamkuse muxuu ka qabtay? Ma dhab baa in Shareecada Islaamku aanay dumarka tixgelin siin oo aanay xuquuqdooda dhawrin? Maxaa keenay kacdoonkii dumarka ee Yurub ka bilowdey? Ma xornimo-u-dirir ayey ahaayeen, mise waxay doonayeen sadbursi iyo inay helaan sad aanay laheyn? Maxaa keenay dagaalka ay ku hayaan diimaha, gaar ahaan Islaamka? Ma jiraan wax caddeynaya in ragga iyo dumarku abuur ahaan ay jirto wax ay ku kala geddisan yihiin?KU SAABSAN QORAAGA:CABDULQAADIR CABDULLE DIINI waa qoraa deggen waddanka Ingiriiska, waana aabbe Toddobo carruur ah. Wuxuu horey u qoray dhowr buug oo ay ka mid yihiin: Ka Joogsada qof yiri "Laa Ilaaha Illallaah" (2011); Tarankii Qurbaha Tagey (2011); Hoggaanka iyo Haweenka (2013); Shiicada: Caqiidadeeda iyo Sooyaalkeedii Geeska Afrika (2017); Xeerka Soomaalida iyo Calmaaniyadda Maxaa u Dhexeeya? (2019); Gunaanad (2021).Dhanka waxbarashadiisa, wuxuu Dugsiga Sare uga baxay magaalada Dhuusamarreeb sannadkii 1985. Intii uu joogey Ingiriiska wuxuu qaatay shahaadada Bachelor of Science (Bsc) Civil Engineering iyo sidoo kale Postgraduate Certificate (PGC) oo ah Islamic Banking and Finance.

Gør som tusindvis af andre bogelskere

Tilmeld dig nyhedsbrevet og få gode tilbud og inspiration til din næste læsning.